
Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dadkii ka soo jeeday Koonfur Galbeed ee laga tarxiilay Laascaanood 2021.
Madaxweyne Firdhiye oo shalay hadal ka jeediyay munaasabad lagu caleemasaamay Aadan Madoobe oo ka dhacday Baydhabo ayaa sheegay in cidda dhibkaas gaysatay aysan ahayn reer Waqooyi Bari, balse tahay maamulka Somaliland oo markii dambe xoog looga saaray Laascaanood.
“Waxaa jirtay dhacdo xanuun badan oo shacabka Koonfur Galbeed ka soo gaartay Laascaanood, reer Waqooyi Bari ciddii dhibkaas gaysatay maahayn, ciddii dhibkaas gaysatay waa ciddii siddeed bilood oo xiriir ah duqaynaysay magaalada Laascaanood” ayuu yiri Firdhiye.
Firdhiye wuxuu ugu baaqay dadkii dhibkaas gaaray wixii ka haray in ay ku soo laabtaas deegaankoodii iyo magaaladii laga soo tarxiilay ee Laascaanood.
Dhanka kale xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Somaliland oo hadal qoraal ah ugu jawaabay Firdhiye ayaa sheegay in Somaliland aysan cidna saarin oo dadka reer Koonfur Galbeed ku nool yihiin Hargeysa iyo Burco.
PUNTLAND POST