Dowladda Soomaaliya oo doonaysa in dadkeedu lacag ka sameeyo baraha bulshada

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku gudaha jirto dadaallo suurtagelinaya in dadka jooga gudaha dalka ay dakhli ka sameyn karaan baraha bulshada, si la mid ah dalalka caalamka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) Mustaf Yaasiin ayaa yiri “si looga faa’iideysto hal-abuurka dadkeenna, waxaan ku guda jirnaa dadaallo lagu hirgelinayo shuruuc u suurtagelinaya in dakhliga laga helo baraha bulshada (Social Media) lagu kasbado gudaha dalka, si la mid ah dalalka kale ee dunida.”

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka ayaa aad u isticmaala aaladaha baraha bulshada sida Facebook, TikTok iyo Snapchat, kuwaas oo intooda badan aan wax dakhli ah ka sameyn.

Shirkadda Meta ayaa sanadkii 2024 dadka ku nool dalka Kenya u oggolaatay in ay lacag ka sameyn karaan wax yaabaha ay geliyaan Facebook sida sawirada, qoraallada iyo muuqaallada, arrintaas oo ay ka shaqaysay dowladda dalkaas.

PUNTLAND POST