
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uga qeybgalayo munaasabad maanta lagu caleemasaarayo Aadan Madoobe.
Madaxweyne Xasan waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo madaxda kale oo ka tirsan maamulkaas.

Madaxweyne Xasan waxaa ka horreeyay oo isaguna Baydhabo ka degay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Madaxweynayaasha maamullada Waqooyi Bari iyo Hirshabelle ayaa iyaguna shalay gaaray magaalada Baydhabo, kuwaas oo ka qaybgalaya caleemasaarka Aadan Madoobe.
Magaalada Baydhabo oo ay maraka qaar soo weeraraan ciidamo taageersan Laftagareen ayaa saacadihii la soo dhaafay ammaankeeda aad loo adkeeyay.
PUNTLAND POST