Xamse oo si kulul ugu jawaabay Deni

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu 1-dii Luulyo jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in uu metelo deegaannada Puntland, islamarkaana uu siinayo xuquuq muddo dheer ka maqnayd oo la xiriirta dhanka ciidamada.

Wuxuu xusay haddii ay soo baxdo saddex askari oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka in labo ka mid ah ay yeelan doonaan deegaannada Puntland.

“30 kun oo ciidan ah ayaan ka qoraynaa halkaas (Puntland), anigaa metela, haddaa doonto dillaac ninka is buufinayow…” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkii uu jeediyay 1-dii Luulyo, Ra’iisul Wasaare Xamse ku tilmaamay “wiilka Xasan”, isaga oo sheegay in Xasan u soo dhiibay hadalkii ahaa in “Puntland iyo Jubaland cuqdadaysan yihiin” oo ka daran yihiin Somaliland.

PUNTLAND POST