Juxaa: Deni-yow wadatashi geli Puntland

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni in uu talo iyo wadatashi geliyo Puntland, isaga oo ku dhaliilay in taladu ka baahday.

Juxaa ayaa hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yiri “Madaxweyne Deni-yow talo way kaa baahday ee talo iyo wadatashi geli reer Puntland”.

Sidoo kale Juxaa wuxuu ugu baaqay reer Puntland in aysan Deni keliya ku hallayn dalka oo iska difaacaan ciddii wax u dhimaysa dowladnimadooda.

“Reer Puntland-now Deni keli ah haku hallaynina dalka ee is-difaaca oo ilaashada dawladnimadiinna iyo wadajirkiinna. Maleeshiyaad shaah iyo shaxaad loo diro yaan laydinku dumin” ayuu yiri Juxaa.

Juxaa ayaa dhawaan laga qaaday wasiirka arrimaha gudaha Puntland, isaga oo xilkaas hayay tan iyo 2022, waana markii ugu horreysay oo uu muujiyo dhaliisha hoggaaminta madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST