Axmed Madoobe oo la kulmay Suldaan Garaase

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo doorka isimada dhaqanka, sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo caawa ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

“Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Suldaan Siciid Maxamed Garaase, oo ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, doorka ay isimada dhaqanka Soomaaliyeed ka qaataan nabadeynta, xoojinta wadajirka ummadda, iyo sidii loo adkayn lahaa wadajirka bulshada Soomaaliyeed” ayaa lagu daray.

Suldaan Garaase ayaa ka mid ahaa 135 oday dhaqameed ee saxiixi jiray xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyada oo kuraastii uu saxiixi jiray mid ka mid ah uu hadda yaallo Jubaland.

PUNTLAND POST