Muuse Biixi oo dhowr arrimood ku dhaliilay Cabdiraxmaan Cirro

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhaliilay Cabdiraxmaan Cirro safarkii qarsoodiga ahaa ee uu sheegay in uu ku tagay Israa’iil iyo midkii rasmiga ahaa ee dhawaan ku tagay.

Wuxuu ku tilmaamay madaxweynihii u horreeyay Somaliland oo si qarsoodi ah u safra, islamarkaana qirta arrintaas. Sidoo kale wuxuu sheegay in safarkii ugu dambeeyay ee Ciro ku tahay Israa’iil uu ahaa mid wax la qariyay oo ay labo dalka ka kala safreen isaga iyo wafdigiisii wasiirada.

Muuse Biixi ayaa hadal qoraal ah uu soo saaray ku yiri “…safarkaagii rasmiga ahaa waxa aad sheegtay in aad Israa’iil hore u booqatay iyada oo laga ilaaliyay shacabka iyo warbaahintaba, waana kow madaxweyne Somaliland ah oo si qarsoodi ah u safra, marka dambena sheega in uu safaro qarsoodi ah uu galay”.

“Safarkaagii u dambeeyay ee rasmiga ahaa waxa aad muddo joogtay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo aad ka dhooftay, halka waftigaagii wasiiraduna ay iyaguna muddo ku sugnaayeen dalka itoobiya kana dhoofeen. Madaxweyne maxaa keenay qarsoodiga iyo qaybsanaanta?” ayuu raaciyay.

Muuse Biixi wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro in ay jarjartay hadal uu hadda ka hor jeediyay oo uga hadlay arrinta Israa’iil, kaas oo uu sheegay in khaldan loo fasiray.

Muuse Biixi ayaa sheegay in taladiisii hore iyo midda hadda ay tahay in ictiraafka Somaland muhiim yahay, balse loo baahan yahay in arrinta Israa’iil laga eego dhinacyo badan oo aan lagu degdegin.

PUNTLAND POST