
Dab xoogan ayaa goordhaweyd ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Kaalin shidaal oo lagu magacaabo OPEC oo ku taalla bartama magaalada ayaa waxaa qabsaday dab aan weli la goyn waxa uu ka kacay, kaas oo aad u fiday, islamarkaana weli lagu guuleysan in la damiyo.
Dadaallo dadweynuhu waddo oo dabkan lagu daminayo ayaa ka soconaya halkaas, waxaana dadaal loogu jiraa in aanu dabku ku sii fidin goobaha kale ee ganacsiga.
Magaalada Boosaaso iyo dekedda ayaa la hayn dab-damis, taas oo marar badan lagu dhaliilay dowladda Puntland oo jirtay muddo gaaraysa 28 sano.
PUNTLAND POST