Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-dagga 1-da Luulyo

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kaga qayb galay munaasabadda xuska 1-da Luulyo ee sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegatay maalinta xornimada iyo midowga Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray gobannimada iyo mideynta dalka ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon, isaga oo xusay qiimaha ay leedahay in la xasuusto halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed ay usoo galeen xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada.

Munaasabadda waxaa gaarda ka ciyaar ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, iyada oo lagu soo bandhigay gaadiidka gaashaaman, qalab ciidan oo casri ah iyo diyaaradaha dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabaddan qiimaha weyn ugu fadhida qarannimada, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo difaaca madax-bannaanida dalka si loo xaqiijiyo Soomaaliya amni leh, horumarsan oo ku dhisan isku filnaansho iyo dowladnimo buuxda.

PUNTLAND POST