
Maamulkii hore ee Cabdicasiis Laftagareen ayaa la wareegay warfaafinta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee hadda hoggaamiyo Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Barta rasmiga ah ee madaxtooyada Koonfur Galbeed ku leedahay Facebook-ga ayaa la saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay qoraal uu Laftagareen kaga hadlay xuska 1-da Luulyo iyo hadal uu jeediyay afhayeenkiisa Ugaas Xasan oo kaga hadlay xaaladda maamulkaas.
Sidoo kale barta warfaafinta madaxtooyada Koonfur Galbeed waxaa laga tirtiray wixii lagu baahinayay tan markii uu meesha ka baxay maamulkii Laftagareen, kuwaas oo la xiriiray maamulka Aadan Madoobe iyo kii ka horreeyay ee kumeelgaarka.
Laftagareen waxa uu weli sheeganayaa in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ciidamo taageersan ay mararka qaar weeraro ku qaadaan magaalada Baydhabo.


PUNTLAND POST