
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa caawa bulshada Garoowe kala qeybgalay munaasabadda xuska 1-da Luulyo ee sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegatay maalinta xornimada iyo midowga Soomaaliyeed.
Munaasabadda oo ka dhacday barxada caasimada Garoowe, waxaa madaxdu goobjoog u noqotay calansaarka, iyada oo madaxweyne Deni uu salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland.
Madaxweyne Deni oo khudbad halkaas ka jeediyay ayaa ka hadlay midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in Puntland ay marwalbo u taagan tahay midnimada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.
Wuxuu si adag ugu digay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku eedeeyay in uu Soomaaliya burburkeeda ka shaqeynaya, dalkana gelinaya xaalad halis ah oo uu rabo in uu sharci daro ku joogo.
Madaxweyne Deni ayaa cod dheer ku sheegay in dadka reer Puntland dowlad iyo shacaba ay ku suntan yihiin in ay cashar u dhigaan cadow kasta iyo cidkasta oo ku soo gardaroota, wuxuuna xusay in ciidanka Puntland ku filan yihiin illaalinta amniga iyo xasiloonida deegaannada Puntland.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay goleyaasha dowladda, saraakiisha ciidanka, maamulka degmada Garoowe iyo kan gobolka Nugaal, Waxgarad iyo aqoonyahan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimada Garoowe.











PUNTLAND POST