
Xulka qaranka Marooko ayaa noqday kooxdii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee xaqiijisay in ay u gudubtay wareegga 16-ka ee Ciyaaraha Adduunka 2026.
Xulka Marooko ayaa u baxay wareegga 16-ka, kaddib markii uu riigoorayaal 3-2 ah kaga adkaaday xulka Holland, ciyaar 1-1 ku dhammaatay waqtigii caadiga ahaa iyo midkii dheeriga ahaa ee lagu daray.
Xulka Marooko oo sidaan oo kale 2022 wacdaro uga dhigay tartankii kan ka horreeyay ee lagu qabtay Qadar ayaa hadda wajahaya xulka Kanada oo ka mid ah dalalka sanadkan martigeliyay tartanka.
Ciyaaraha Adduunka oo la soo gabagabayn doono 19-ka bisha Luuliyo 2026, waxaa ilaa hadda ka haray xulalka Koonfur Afrika, Jabaan, Jarmalka iyo Holland.
PUNTLAND POST