Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay madaxda hay’adaha garsoorka Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta kulan la qaatay madaxda hay’adaha garsoorka dowladda, kuwaas oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha maxkamadda sare Xasan Yuusuf Nuur.

Sida lagu sheegay qoraal ka baxay madaxtooyada kulanka ayaa looga hadlay horumarinta hay’adaha garsoorka iyo dardargelinta howlaha laamaha caddaaladda, si loo xoojiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada garsoorka ee Puntland.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirka caddaaladda, dastuurka, arrimaha Diinta Cabdirashiid Barkhadle Warsame, guddoomiye ku-xigeenka maxkamadda Sare, Axmed Shiikh Cumar Xasan, xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Axmed Yuusuf Taaraan, guddiga sare ee garsoorka, guddoomiyeyaasha maxkamadaha racfaanka ee gobolada, guddoomiyayaasha maxkamadaha darajada ioowaad ee degmooyinka iyo xeer-ilaalayaasha gobolada Puntland.

PUNTLAND POST