
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Addis Ababa ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
Sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia, kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarka, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika.
Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay isu maray dalalka deriska ee Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, isaga oo kulamo la qaatay hoggaamiyeyaasha waddamadaas.
PUNTLAND POST