
Rasaasta hubka waaweyn laga rido oo goo goos ah ayaa saaka laga maqlay agagaarka xerada ciidamada Ligle ee ku taalla dacalka koonfureed ee magaalada Garoowe.
Rasaastan oo muddo la maqlayay waxaa riday ciidamada Gen. Jimcaale ee halkaas degan, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan oo la hadlay Puntland Post. Wuxuu sheegay in rasaasta lagu diray ciidamo ka tirsan Puntland oo ku soo dhawaaday xerada Ligle sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale saraakiisha ciidamada ammaanka Puntland oo aan isku daynay in aan wax ka weydiino arrintan ayaa weli noo suurtagelin.
Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa marar badan ku eedeysay federaalka in ay khalkhalgelinayso ammaanka deegaannada Puntland, islamarkaana ay abuubushay maleeshiyaad iyo burcad-badeed.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay mushaarka siisay ciidamada ku sugan deegaannada Puntland ee ay sheegto in ay ka tirsan yihiin Xoogga Dalka.
PUNTLAND POST