
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay 10 dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay baraha bulshada ku faafinayeen waxyaabo ka hor imanaya diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan ayaa sheegay in baaritaanno lagu hayo dhalinyaradan, islamarkaana la horgeynayo hay’adaha garsoorka marka baaritaannadu soo dhammaadaan.
Booliiska ayaa sheegay in howlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallo lagu ilaalinayo anshaxa bulshada, diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida, iyaga oo tilmaamay in cid kasta oo lagu tuhmo falal la mid ah kuwan ay la kulmi doonto tallaabooyin waafaqsan sharciga.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa sii kordhayay howlgallada ay Ciidanka Booliiska Soomaaliya ku beegsanayaan dhallinyarada isticmaasha baraha bulshada, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyo faafinta waxyaabo anshax-xumo ah.
PUNTLAND POST