Shil gaari oo ka dhacay duleedka bari ee Garoowe

Ilaa 5 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garoowe, kuwaas oo qaarkood la geeyay isbitaalka guud ee caasimadda.

Shilka waxaa sababay labo gaari oo isku dhacay, kuwaas oo kala ahaa Probox iyo gaari bas ah oo siday dhalinyaro ciyaartooy ah oo ka yimid degmada Buurtinle.

Lama soo warin wax dhimasho ah oo uu sababay shilkaas, waxaana goobtii tegay ciidamada ilaalada wadooyinka ee ka tirsan Booliska Puntland.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay shilalka gaadiidka ee ka dhaca deegaannada Puntland, kuwaas oo badankood loo aaneeyo khibrad yarida wadayaasha gaadiidka.

Dhawaan ayay ahayd markii dhalinyaro ciyaartooy ah oo watay gaari bas ah, islamarkaana ka yimid magaalada Gaalkacyo ay shil dhimasho iyo dhaawac sababay ku galeen deegaanka Cawsane, xilli ay safar ugu socdeen magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Qaar ka mid ah Booliska gobollada Puntland ayaa dhawaan mamnuucay in dhalinyarada safarrada ciyaaraha u baxa lagu qaado sariirta kore ee basaska, taas oo ay sheegeen in looga hortago shilal iyo khataro ay arrintaasi sababi karto.

PUNTLAND POST