
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay in uu ka haray tartanka madaxtinimada doorashada maamulka Galmudug, isaga oo sheegay in uu xukunka ku wareejinayo cidii ku soo baxda doorashada.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa hadalkan caawa ka sheegay munaasabad lagu xusayay 26 Juun oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna madaxda Soomaalida kula dardaarmay in aysan xilka isku dhajin oo si nabad ah uga dagaan.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo agaasimaha hay’adda NISA Mahad Salaad oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa wadaxaajood la galay Qoorqoor, taas oo ugu dambeyn sababtay in uu ka tanaasulo tartanka doorashada Galmudug oo muddooyinkii dambe ay xiisad ka taagnayd.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Galmudug u wadata Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) oo ka tartamaya ururka JSP ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
PUNTLAND POST