Muuse Biixi oo baaq u diray Cabdiraxmaan Cirro

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kula taliyay madaxweyne Cirro in uu si qoto dheer uga fiirsado heshiisyada siyaasadeed ee galayo.

Muuse Biixi ayaa hadal qoraal oo soo saaray ku sheegay in dunida ay maanta wajahayso isbeddello iyo duufaano siyaasadeed, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in xukuumadda Somaliland si qoto dheer u lafo-gurto culayska iyo natiijada ka soo baxaysa heshiisyada iyo isbeddellada socda, si looga fogaado hubanti la’aan siyaasadeed.

“Maanta dunidu waxay wajahaysaa isbeddello iyo duufaano siyaasadeed. Colaadda Bariga Dhexe oo Saamaynteeda tabani ay soo-gaadhay geeska afrika. Natiijada ka soo baxaysa wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka waxa la saadaalinayaa inay wax ka beddeli karto qaab-dhismeedka siyaasadeed ee dunida mid amni iyo mid dhaqaaleba, gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Geeska Afrikaba” ayuu yiri Muuse Bii.

“Waxa muuqata saamaynta awoodda dawladaha Muslimka ah ee kala ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo sucuudiga, Waxaana suurta gal ah in dawladahani sidii hore iskaga soo dhawaadaan, sababta oo ah is-maan-dhaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa’iil, oo aan la dhayalsan karin, raadkiisana yeelan doona” ayuu raaciyay.

Wuxuu ku soo gabagabeeyayay “Waxa lagama maarmaan ah in si qoto dheer loo lafo-guro culayska iyo natiijada ka soo baxaysa heshiisyada iyo isbeddellada socda, si looga fogaado hubanti la’aan siyaasadeed. Sidaas awgeed, waxa la gudboon Dawladda, gaar ahaan Xukuumadda Somaliland, inay si xeeldheer u daraasadayso saamaynta ka dhalan karta isbeddelladan caalamiga ah, si looga baaqsado il-duuf siyaasadeed oo wax u dhimi kara danaha Somaliland”.

Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo aaday, xilli uu shalay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ka soo noqday safar uu ku tagay Israa’iil.

PUNTLAND POST