Guuleed Saalax: Xasan Sheekh wuxuu rabaa in uu meesha ka saaro dowladnimada Puntland

Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay wado qorshe lagu burburinayo dowladnimada Puntland.

Wuxuu tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh diidan yahay dheelitirka Puntland ee dowlad dhiska Soomaaliya ee ugu horreeyo nidaamka federaalka.

Guuleed ayaa xusay in uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala jeclayn muxaafidka iyo mucaaradka Puntland balse damaciisu yahay in uu meesha ka saaro dowladnimada Puntland.

Wuxuu sheegay in ay arrintaas u fududaynayaan, madaxweyne Deni oo ku eedeeyay hoggaan xumo iyo dad kale oo uu ku tilmaamay kuwa aysan u kala soocnayn Puntland & hoggaanka talada haya.

Guuleed ayaa ugu baaqay bulshada Puntland in ay ilaashadaan nabadgelyadooda, islamarkaana aysan qof xil haya iyo mid aan hayn ka ogolaan in uu sabab u noqdo qalalaase, colaad ama khalkhal ku yimaada xasilloonida deegaankooda.

PUNTLAND POST