Puntland oo sheegtay in waajib ka saaran yahay wax ka qabashada colaada Sool

Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta  Puntland Najiib Barkhadle Warsame ayaa sheegay in Puntland mas’uuliyad ka saaran tahay wax ka qabashada waxa ka dhacay deegaanka Adhicadeeye ee gobolka Sool.

Wasiir Najiib Barkhadle oo shalay hadal ka horjeediyay baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay colaadaas.

“Waxaa gobolka Sool oo dastuuriyan ka tirsan Puntland ka dhacday shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay, waan ka tacsiyeeyaynayaa, waxaan sidoo kale goleyaasha dowladda iyo kuwa dhaqanka ee bulshada ku baraarujinayaa howshaasi waa mid aad iyo aad dadka u taabanaysa oo waajibaad inaga saaran yahay sidii aan uga howlgeli lahayn” ayuu yiri wasiir Najiib Barkhadle.

Dagaal beeleedkii ka dhacay deegaanka Adhicadeeye ee gobolka Sool ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20 qof, kuwaas oo la sheegay in ay ku jiraan dumar iyo odayaal dhaqan.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa deegaannada Soomaalida ka dhacayay dagaal beeleedyo fool xun oo sababay in la laayo dad tiro badan oo qaarkood yihiin kuwa dilka ka caaggan ee loo yaqaan Biri-ma-geydo.

PUNTLAND POST