Mashruuc oo ka hadlay iska hor-imaadkii ka dhacay kantaroolka bari ee Garoowe

Siyaasi Maxamuud Axmed Mashruuc ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu mas’uul ka ahaa iska hor-imaadkii shalay galinkii dambe ka dhacay kantaroolka bari ee magaalada Garoowe.

Mashaariic ayaa sheegay in ciidamo ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah ay jidgooyo u dhigteen ciidamo si gaar ah uga amar qaata madaxweyne Deni, taasina sababtay dhaawacyo nafeed iyo khasaare kale.

Mashruuc wuxuu ugu baaqay waxgaradka Puntland in ay si dhow ula socdaan xaaladdan soo korortay, kana hortagaan in Puntland uu hoggaanka talada hayaa ku riixo colaad sokeeye, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasi Maxamuud Mashruuc ayaa ka mid yahay siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee hubaysan, islamarkaana xiriirka la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Golaha wasiirada Puntland ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku amray hay’adaha ammaanka in aysan gobollada isaga gudbi karin ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST