
Ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland iyo ciidamo watay saddex gaari oo tikniko ah oo la sheegay in uu lahaa siyaasi Maxamuud Mashruuc kana yimid gobolka Bari ayaa galabta isku rasaaseeyay kantaroolka bari ee magaalada Garoowe.
Israsaasaynta ayaa sababtay dhaawaca ilaa labo ka mid ah ciidamada Maxamuud Mashruuc oo markii dambe dib u laabtay, iyaga oo la sheegay in ay dhaafeen tuulada Sin-ujiif ee gobolka Nugaal.
Siyaasi Maxamuud Mashruuc wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee hubaysan, islamarkaana xiriirka la leh dowladda federaalka Soomaaliya.
Puntland ayaa saaka kantaroolka bari ee magaalada Garoowe gaysay ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland, halka ay hore ciidamo u gaysay kantaroolada koonfureed iyo waqooyi ee Garoowe.
Golaha wasiirada Puntland ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku amray hay’adaha ammaanka in aysan gobollada isaga gudbi karin ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST