
Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta oo khamiis ah shaaciyay ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhigooda 58-aad oo furmay 15-kii bishaan Juun, kaas oo ka kooban in ka badan 10 qodob.
Ajandaha kalfadhiga waxaa ku jira qodob ku saabsan ka doodista siyaasadda dowladda Puntland ee arrimaha Federaalka iyo qorshaha marxaladda kala-guurka.
Ajandaha waxaa sidoo kale ku jira ka doodista xiriir ay Somaliland la yeelatay Israa’iil iyo heshiiskii is-afgaradka ee Puntland iyo Somaliland. Waxaa kaloo ku jira u yeeridda Guddiga Sare ee Garsoorka Puntland iyo u yeerista cidkasta oo Goluhu u arko in ay lagama maarmaan tahay in wax laga waydiiyo howlaha iyo waajibaadka loo xilsaaray.
Sidoo kale waxaa ku jira ansaxinta xeerka doorashooyinka oo u baahan in Dastuurka la waafajiyo, xasaanadsiinta mas’uuliyiinta u baahan xasaanadda, ogolaanshaha & diidmada xisaab xirka sanad-maaliyadeedka 2025 iyo soo gudbinta heshiiyada maalgashiga ee dowaladu gashay.
Ajandaha kalfadhiga 58-aad ayuu shalay ansixiyay Baarlamaanka Puntland kaddib markii uu si qarsoodi ah qodob qodob ugu codeeyay, waxaana laga reebay in madaxweynaha loo yeero oo su’aalo la waydiiyo.


PUNTLAND POST