Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka soo muuqday ololaha Liibaan Shuluq

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed ayaa shalay ka soo muuqday kulan olole ah oo dhexmaray musharaxa ay dowladda Federaalka u wadata maamulka Galmudug Liibaan Shuluq, Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad iyo odayaal dhaqan.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa looga hadlay arrimaha doorashada maamulka Galmudug iyo sidii taageero loogu muujin lahaa musharax Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq), sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa lagu eedeeyay in uu jabiyay sharciga Guddiga Doorashooyinka, islamarkaana uu dhex-dhexaadnimadii lumiyay oo dhinac la saftay.

Sidoo kale shirka waxaa lagu dhaliilay in uu goobta surnaa calanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), iyada oo shirka lagu sheegay mid beeleed iyo taageero musharax.

Mahad Salaad oo markii hore ahaa musharax Galmudug ayaa ugu dambayn u tanaasulay Liibaan Shuluq, kaddib markii ay arrintaas dhawaan ka heshiiyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa in ay dhawaan Galmudug ka qabato doorasho qof iyo cod ah, halka maamulka Qoorqoor uu doorashadaas dhaliilsan yahay, islamarkaana u arko mid hal dhinac ah.

PUNTLAND POST