Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan xiriirka Hargeysa iyo Tel Aviv

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay si weyn ugu walaansan tahay xiriirka Israa’iil iyo maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland, iyada oo aan loo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay tilmaantay in ay xiriirkaas ku aragto xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda, midnimadeeda, wadajirka dhulkeeda iyo nidaamkeeda dastuuriga ah.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed oo lala maamulka Somaliland, iyada oo la hareer marayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah isla markaana aanu lahayn wax sharciyad ama miisaan siyaasadeed ah.

Dowladda Soomaaliya waxay xustay in ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka ah, iyada oo adeegsanaysa waddooyin diblomaasiyadeed, sharci iyo habab kale oo ku habboon, si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, wadajirka dhulkeeda iyo midnimada qarankeeda.

Waxay ugu baaqday dhammaan saaxiibbada caalamiga ah in ay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana cambaareeyaan tallaabooyinka wiiqaya midnimada iyo xasilloonida dowladda Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST