Axmed Madoobe oo ka hadlay safar uu ku tagay Muqdisho

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Aadan Madoobe oo ka hadlay safarkiisa Muqdisho ayaa sheegay in uu kulamo la qaadan doono madaxda Dowadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha dowlad-dhiska, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Aadan Madoobe ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “Magaalada Muqdisho oo aan safar gaaban kusoo gaaray, waxaan inta aan joogo kulamo muhiim ah la yeelan doonaa madaxda ugu sarreysa dalka iyo masuuliyiin kala duwan, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha dowlad-dhiska, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada”.

“Sidoo kale, waxaan kulamo wadatashi iyo is-xogwareysi ah la qaadan doonaa masuuliyiinta deegaan doorashadoodu tahay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan kala hadli doono xoojinta dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu horumarinayo deegaanada Koonfur Galbeed, si loo xaqiijiyo himilada shacabka ee ku aaddan nabad, horumar iyo dowladnimo tayo leh” ayuu raaciyay.

PUNTLAND POST