Rag burcad-badeed ah oo isu soo dhiibay Puntland

Puntland ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen saddex ka mid ah kooxda burcad-badeeda ah ee haysatay markabka MV Sward oo ku afduuban xeebaha degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Raggan ayaa isu soo dhiibay odayaasha dhaqanka degmada Jariiban, iyaga oo sheegay in ay ka baxeen burcad-badeeda, islamarkaana ay ka cafis ka rabaan dowladda Puntland.

Odayaasha deegaanka ayaa dowladda ka codsaday in ay cafiso raggan, waxaana dowladdu ay ka aqbashay codsigaas, sida lagu sheegay shir ay yeesheen odayaasha iyo taliyaha saldhigga degmada Jariiban.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe howlgal ka dhan ah burcad-badeeda ka waday xeebaha gobollada Mudug, Karkaar iyo Bari, kuwaas oo lagu haysto saddex markab.

PUNTLAND POST