
Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa sheegtay in ay Puntland kala wareegtay dhalinyaro doonayay in ay ka tahriibaan magaalada Boosaaso, kuwaaas oo ka soo jeeda deegaannada DDS.
Wasiirka madaxtooyada Dowladda Deegaanka Soomaalida Xuseen Xaashi Qaasim ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in ay Puntland uga mahadcelinayaan qabashada iyo kala shaqaynta dhalinyaro la doonayay in la tahriibiyo.
Wasiir Qaasim wuxuu tibaaxay in dhalinyaradaas ay ku wareejin doonaan waalidiintooda, islamarkaana ay dowladdu u abuuri doonto fursado waxbarasho iyo dib-u-dajin. Wasiirku ma uusan xusin tirada dhalinyaradaas, balse waxa uu sheegay in ay soo bandhigi doonaan.
“Waxaan Dawlad-gobaleedka Puntland uga mahad celinaynaa in ay nagala shaqeeyeen sidii loo soo badbaadin lahaa caruur iyo dhalinyaro la tahriibinayay oo qarka u saarnayd in la haligo” ayuu yiri wasiir Qaasim.
“Carruurta iyo dhalinyaradaba waxay dawladdu ku wareejin doontaa waalidiintooda. Waxaan waalidiinta ka wada shaqayn doonaa sidii dhalinta loo siin lahaa waxbarasho inta u baahan, inta kalana loogu abuuri lahaa dib u dajin ay kusii wataan nolashooda caadiga ah” ayuu raaciyay.
Puntland weli dhankeeda kama hadlin dhalinyarada ay qabatay oo wararka qaar sheegayaan in qaarkood ka shaqaysan jireen deegaannada gobollada Bari iyo Sanaag.
PUNTLAND POST