Ciyaaraha Adduunka oo furmay

Magaaalada Meksiko waxaa ka furmay Ciyaaraha Aduunka (Koobka Adduunka) ee 2026, kaas oo ay si wadajir ah u martigelinayaan dalalka Maraykanka, Kanada iyo Meksiko.

Dalalka Meksiko iyo Koonfur Afrika oo ku wada jira guruubka A ayaa lagu furay tantanka, waxaana 2-0 ku adkaatay Meksiko oo ay guusha u horseedeen ciyaaryahanada Julián Quiñones iyo Raúl Jiménez.

Kulanka waxaa baxay afar kaar oo cas, oo labo ka mid ah la siiyay ciyaaryahano ka tirsan Koonfur Afrika, halka kan kalana uu qaatay ciyaaryahan ka tirsan Meksiko.

Ciyaaraha Adduunka ee maanta (11-Juun) bilaamay waxay soo dhamaanayaan 19-ka bisha Luuliyo 2026, waxaana ku tartamaya 48 koox oo caalamka oo dhan ka kala yimid.

Soomaalida ayaa sanadkan saameyn iyo hadal-hayn weyn ku yeelatay Ciyaaraha Adduunka, kaddib markii garsoorahooda caalamiga ah Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay tartanka uu Maraykanku u diiday dalkiisa.

PUNTLAND POST