
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan Mohammad Ishaq Dar ayaa wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya kala hadlay sidii lagu siidayn lahaa muwaadiniinta u dhashay Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25, kaas oo lagu haysto xeebaha degmada Banderbayla ee Puntland.
Wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ka go’an tahay taageeridda dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii deynta degdegga ah ee dadka la haysto.
Labada mas’uul oo ku wada hadlay khadka telefoonka ayaa isku raacay in la sii wado wada shaqeyn iyo xiriir dhow oo ay yeeshaan labada dowladood ilaa arrintan xal laga gaarayo.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, si ay uga wada hadlaan dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo sii deynta muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25”.
“Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii deynta degdegga ah ee dadka la haysto. Labada wasiir ayaa sidoo kale isku raacay in la sii wado wada shaqeyn iyo xiriir dhow oo la yeesho ilaa arrintan xal laga gaarayo” ayaa lagu daray.
Kooxda Burcad-badeeda ah ee haysata markabka MT Honour 25 ayaa wararku sheegayaan in ay dalbatay 3 milyan oo doolar oo madax furasho ah.
PUNTLAND POST