Doorasho la sii ogyahay natiijadeeda oo ka dhacaysa Baydhabo

Magaalada Baydhabo waxaa saaka lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashadan waxaa loo saadaalinayaa in uu ku soo baxo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka tartamaya ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo 51% ka helay xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ee dhawaan ku soo baxay doorashadii qof iyo cod.

Aadan Madoobe oo ay wadato Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa la tartamaya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka tartamaya ururka Horumar iyo Midnimo Qaran iyo Cabdicasiis Maxamed Jawaari oo ka tartamaya ururka Karaama.

Magaalada Baydhabo ayaa bandow la galiyay maanta, iyada oo aad loo adkeeyay amniga oo ay suganayaan ciidamada kala ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST