Nabadoon lagu xiray Qardho

Laamaha amniga Puntland ayaa xalay  magaalada Qardho ku xiray nabadoon Maxamed Salaad Laakeeye oo ka mid ahaa waxgaradka gobolka Karkaar.

Lama oga sababta loo xiray nabadoonka, balse waxaa jirtay in maalmo ka hor nabadoonkan iyo waxgaradka kale ay faras ku maamuuseen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale nabadoonka oo dhawaan la doortay wuxuu ka mid ahaa waxgarad magaalada Qardho ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee xiriirka la leh Villa Somalia, kuwaas oo hoggaaminayay Cabdisamed Gallan oo la-taliye ugu magacaaban madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gallan oo ka hadlay xariga nabadoonka ayaa cambaareeyay, isaga oo sheegay in uu keeni karo amni xumo iyo isku dhac beeleed, sida uu hadalka u dhigay.

PUNTLAND POST