Puntland oo tababar u furmay ciidan magacooda lagu sheegay RRU

Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/sare Siciid Nuur Shire, Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Karkaar G/sare Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir ayaa maanta magaalada Qardho tababar feer-celin ah ugu furay ciidamo magacooda lagu sheegay RRU oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay kor u qaadaan aqoonta, xirfadaha iyo waajibaadka shaqo ee looga baahan yahay sugidda amniga iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah.

Waxa ay sidoo kale xuseen muhiimadda ay leedahay in ciidamada la siiyo tababaro joogto ah oo sare u qaada tayada, hufnaanta iyo diyaar-garowga shaqadooda.

Tababarkan feer-celinta ah ayaa la sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo tayada ciidamada amniga Puntland, iyadoo la hiigsanayo in la helo ciidan leh xirfad, karti iyo diyaar-garow buuxa oo ka jawaabi kara baahiyaha amni ee jira, isla markaana door muuqda ka qaata ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada.

PUNTLAND POST