Dowladda Federaalka oo soo bandhigtay hub la sheegay in laga soo saaray Hotel Elite ee Muqdisho

Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa galabta soo bandhigay hub isugu jira noocyo kala duwan oo la sheegay in laga soo saaray Hotel Elite oo ku yaalla degmada Cabdicasiis, kaas oo uu leeyahay wasiirkii hore ee amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, oo warbaahinta kula hadlay Hotel Elite, ayaa sheegay in la soo qabtay hub badan, kuwaas oo ay ku jiraan hub culus iyo hubka wax ka dila meelaha fog, kuwaas oo lagu keydiyay hotelka.

“Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay howlgallo xiriir ah oo ciidamada ammaanka ay ku baacsanayeenn hub sharci-darro ah oo Qaar ka mid ah ay wateen maleeshiyaadkii amni-darrada ka waday degmadan, halka qaar kalena ay yihiin hub cusub oo loo diyaarinayay in lagu qalqal geliyo amniga magaalada, Hubkan waxaa lagu keydiyay goobo kala duwan oo uu ka mid yahay Hotel Elite,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada lagu baacsanayo hubka sharci-darrada ah, wuxuuna tilmaamay in aan qofna loo oggolaan doonin inuu gurigiisa ama goobtiisa ganacsi ku keydiyo hub sharci-darro ah.

Dhanka kale, Taliye Mahdi ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan ka dhicin hotelka, isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo loo gaystay ilaalada iyo shaqaalaha hotelka, wuxuu xusay in ciidamada ammaanka ay fuliyeen oo keliya waajibaadkooda shaqo.

Dowladda Federaalka waxay hore u soo bandhigtay hub ay sheegtay in ay ka soo saartay guryo ku yaalla degmada Cabdicasiis iyo Howlwadaag, kuwaas oo ay deganayeen siyaasiyiinta mucaaradka ee Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre.

PUNTLAND POST