Muqdisho: Ciidamo taageersan mucaaradka oo gaaray Cadalle

Ciidamo daacad u ah wasiir hore ee amniga Soomaaliya ganacsade Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa xalay si nabad ah ku gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ka baxay magaalada Muqdisho.

Ciidanka ayaa ka gudbay jidgooyo ay kala kulmeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa NISA, kuwaas oo daanayay in ay ka qaadaan hubka iyo gaadiidka ay wataan.

Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shalay sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoog ku galeen hoteelkiisa Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa in ay baaris ku sameyso guryaha mucaaradka, islamarkaana ay kala wareegto hubka iyo gaadiidka u yaalla Muqdisho.

PUNTLAND POST