
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhaweyd dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe, kaddib safar labo todobaad qaatay oo ugu maqnaa dalalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Deni oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa ka hadlin safarka uu kaga yimid Imaaraadka, wuxuuna ka mid noqonayaa safarro badan oo aan wax faahfaahin ah laga bixin oo muddooyinkii u dambeeyay uu madaxweynaha Puntland ku tagay dalkaas.
Imaatinka madaxweyne Deni.wuxuu ku soo aaday, xilli maanta ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland oo dhawaan uu tababar ugu soo xiray kulliyadda Carmo ay xirteen qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Garoowe, kuwaas oo markii dambe lagu guuleystay in laga kaxeeyo.
Maahan markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan Puntland ay xirtaan waddooyinka, kuwaas oo ka cabanaya mushaar la’aan, marar ayaa la arkaa dhacdooyin noocaan ah.
PUNTLAND POST