Qardho oo faras ku maamuustay Xasan Sheekh

Xubno ka tirsan mucaaradka Puntland oo xiriir la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Boosaaso ayaa shalay galinkii dambe kulan la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka magaalada Qardho.

Siyaasiyiinta oo hoggaaminayay Cabdisamed Galan oo hadda la-taliye ugu magacaaban madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxgaradkii ay la kulmeen kala hadlay ujeedka ay u yimaadeen Puntland oo ay ku sheegeen wacyigelin, iyaga aad u dhaliilay madaxweyne Deni iyo xukuumaddiisa.

Qaar ka mid ah waxgaradka magaalada Qardho ayaa faras ku maamuusay madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo sheegay in uu jid wanaagsan ku hoggaamiyay Soomaaliya, waxaana u guddoomay la-taliye Cabdisamed Gallan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa intaas kaddib u soo ambabaxay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin.

PUNTLAND POST