Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay meel u dhow Garoowe

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay, tiro ka badan tobanna waa ku dhaawacantay shil gaari oo galabta ka dhacay agagaarka deegaanka Birta-dheer ee degmada Garoowe.

Shilka waxaa sababay gaari rogmaday oo ahaa nooca Soomaalidu u taqaan Waaraadka, kaas oo siday qudaarta mooska iyo dad badan oo ka yimid gobollada Koonfur Soomaaliya.

Dadka dhaawacmay oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus waxaa la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe, halkaas oo hadda lagu daawaynayo.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay shilalka gaadiidka ee ka dhaca deegaannada Puntland, kuwaas oo badankood loo aaneeyo khibrad yarida wadayaasha gaadiidka.

PUNTLAND POST