Sheekh Shariif oo ogolaaday in uu ka guuro Mirinaayo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyn ogolaaday in uu ka guuro xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis.

Dadaalo ay garwadeen ka noqdaan odayaal dhaqan, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo safaaradaha Turkiga iyo Ingiriiska ayaa lagu guuleystay in Sheekh Shariif lagu qanciyo kulaabashada aagii uu hore u deganaa ee Xalane.

Sidoo kale waxaa guddi gaar ah loo saaray waxa laga yeelayo hubkii iyo ciidankii uu Sheekh Shariif la tagay xaafadda Mirinaayo, kuwaas oo habeen hore dagaal la galay Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkaatay in ay qasab tahay in Xasan Cali Khayre iyo Sheekh Shariif ay kulaabtaan xayndaabka Xalane, kana baxaan goobihii ay iska horimaadyadu ka dhaceen.

Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku guuleysatay in ay baajiso banaanbaxyadii Muqdisho ee ay qorsheeyeen mucaaradka, kuwaas oo muddeysnaa shalay.

PUNTLAND POST