
Madaafiic culus ayaa laga maqlayaa xaafadaha degmada Howlwadaag iyo xaafada Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo ilaa shalay galab ay dagaallo ku dhexmarayeen mucaaradka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Labada aag ee dagaalka uu ka socdo waxaa ku sugan madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, waxaana inta badan barakacay shacabkii ku noolaa xaafadahaas.
Dhinacyada Muqdisho ku dagaalamayo waxay isu adeegsadeen hoobiyeyaal ay qaarkood ku dhaceen xaafado ay degan yihiin dad rayid ah, kuwaas oo gaystay dhaawacyo iyo burbur hantiyeed, sida ay muujiyeen muuqaalo iyo sawiro lagu baahiyay baraha bulshada.
Ilaa hadda lama oga inta uu le’eg yahay khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayo, maadaama uu dagaalka intiisa badan dhacay xilli habeenimo.
Magaalada Muqdisho ayaa u muuqato in ay gashay marxalad dagaal oo halis badan, iyada oo aan la saadaali karin sida xaalku sii ahaan doono.
PUNTLAND POST