
Jubaland ayaa cambaaraysay dagaalka ka socda Muqdisho, iyada oo ku eedeeysay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay weerartay madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre.
Jubaland waxay sheegay in xilliga weerarku bilowday ay socdeen dadaado nabadeed oo lagu doonayay in xal looga gaaro ismari-waaga taagan, kuwaas oo ay garwadeen ka ahaayeen odayaasha dhaqanka beesha Murursade.
Sidoo kale Jubaland waxay tilmaantay in mas’uuliyiinta la wareeray ku jireen qabanqaabada banaanbax nabadeed oo looga soo horjeeda muddo dhaafka dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Jubaland ayaa sheegtay in xaaladda hadda taagan looga gudbi karo oo keliya wadahadal, is-afgarad iyo hannaan loo dhan yahay oo lagu go’aamiyo doorashooyinka dalka.
Dagaalka magaalada Muqdisho wuxuu socdaa muddo ka badan 16 saacadood, iyada oo aan la saadaali karin sida xaalku sii ahaan doono.

PUNTLAND POST