Puntland oo qabatay xubin ajnabi ah oo ka tirsan Daacish

Ciidamada Booliska degmada Ufeyn ee gobolka Bari ayaa shalay qabtay nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Yemen, kaas oo ka tirsanaa ururka Daacish ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Calmiskaad.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Cali Naasir ayaa lagu qabtay deegaan lagu magacaabo Afcad oo ka tirsan degmada Ufeyn, waxaana inta aan la qaban ka hor la socday labo nin oo kale, iyaga oo raadinayay dameero, sida uu sheegay afhayeenka howlgalka Calmiskaad Gen. Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo).

Ninkan iyo labada kale ee aan la qaban waxaa la sheegay in ay ka yimaadeen oo muddo saddex berri ah ka soo socdeen deegaanka Shakaala oo ay talis ku leeyihiin ururka Daacish.

Puntland waxay sanadkan bilowgiisii soo bandhigtay maxaabiista ajaanibta ah ee argagixisada Daacish looga qabtay howlgalka Calmiskaad, kuwaas oo aan weli maxkamad la soo taagin.

Maxaabiista ajaanibta ah oo tiradooda gaaraysay konton nin, waxaa kala bar ay u dhasheen dalka Soomaaliya deriska la ah ee Itoobiya. Dalka Morooko ayaa liiska kaalinta labaad kaga jira, waxaana ka soo muuqday ku dhawaad tobon xubnood oo dalkaas u dhashay, halka Yemen iyo Tansaaniya ay ku jiraan kaalimaha ku xiga.

Qaarada Yurub waxaa kaga jira dalka Turkiga oo ay ka soo muuqdeen labo xubnood oo dalkaas u dhashay, sidoo kale dalalka Khaliijka waxaa ka soo muuqday hal xubin oo Sacuudiga u dhashay.

PUNTLAND POST