Khayre oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka mid ah xubnaha muraacadka ee Golaha Samatabixinta ayaa ka hadlay dagaalkii galabta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qoraal kooban ku baahiyay barihiisa bulshada ayaa xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in ay weerar ku soo qaaday xilli isaga iyo ugaaska beeshiisa (Murursade) shir ku lahaayeen guri ku yaalla degmada Howlwadaag.

Khayre waxa uu sheegay in mas’uuliyadda falkaas ay qaadayso xukuumadda Xasan Sheekh oo uu tilmaamay in ay lahayd falka weerarka xilli mucaaradku isu diyaarinayeen banaanbaxa berri ka dhacaya Muqdisho.

Hadalka Ra’iisul Wasaare hore Khayre waxaa ku jirtay in khasaare dhimasho iyo dhawaac uu sababay dagaalka, inkastoo aysan jirin cid caddaysay tirada rasmiga ah.

Waxaa goordhaweyd istaagay dagaalkii galabta dhexmaray dowladda federaalka iyo mucaaradka, balse waxaa weli aagagii lagu dagaalamay laga dareemayaa saansaan colaadeed.

PUNTLAND POST