
Magaalada Muqdisho ayaa gashay jawi siyaasadeed oo aad u kacsan, iyada oo si weyn looga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabul siyaasadeed oo ay wadaan dowladda iyo mucaaradka oo qorsheynaya in ay maalmaha soo socda banaanbaxyo ku qabtaan caasimadda.
Xubno ka mid ah Golaha Samatabixinta ee mucaaradka oo ay ka mid yihiin Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre ayaa u guuray degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag, halkaas oo ciidamo la socda ay ka sameysteen saldhigyo.
Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna ciidamo badan gaysay xaafadda ay dageen mucaaradka, iyada oo maanta la arkayay aagag ay isku horfadhiyaan ciidamo iska soo horjeeda.
Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa bilaabay in ay ka barakacaan xaafadaha qaar, kaddib markii ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka muujiyeen mucaaradka iyo dowladda oo isku haysta muddo xileedka iyo doorashooyinka dalka.
Beesha Caalamka oo Mareykanku ugu tun weyn yahay ayaa maalin ka hor ugu baaqday dowladda iyo mucaaradka in ay si degdeg ah uga heshiiyaan khilaafka doorashooyinka, si dalku uusan u guda gelin amni daro iyo xasilooni la’aan siyaasadeed.
PUNTLAND POST