
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo geed fadhi u ah mucaaradka Muqdisho ayaa xalay saqdii dhexe u guuray guri ku yaalla Isgoyska Mirinaayo ee degmadda Cabdicasiis.
Sheekh Shariif ayaa u jeedka uu halkaas u degay lagu sheegay in uu ka abuubulo ciidamo iyo banaanbaxa mucaaradka u qorsheysan 4-ta bishan Juun.
Xaafadda Mirinaayo waxaa maanta lagu arkayay ciidamo taageersan Sheekh Shariif oo halkaas saldhigyo ka sameysay.
Dhanka kale xubno ka mid ah mucaaradka Muqdisho ayaa maanta shir ku leh guriga Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, shirkaas oo ay uga arrinsanayaan abaabulka banaanbaxa.
Beesha Caalamka oo Mareykanku ugu tun weyn yahay ayaa shalay ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay qabato doorasho heshiis lagu yahay, si dalku uusan u guda gelin amni daro iyo xasilooni la’aan siyaasadeed.
PUNTLAND POST