
Saddex gaari ayaa xalay biyo kula tageen togga Durdur ee mara deegaanka Ceeldaahir degmada Carmo ee gobolka Bari, kaas oo daadad ku soo rogmadeen.
Dadkii gaadiidkaas watay ayaa laga soo badbaadiyay biyaha, kaddib markii ay gurmad u sameeyeen dadka deegaanka iyo dad ku safrayay wadada oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan Puntland.
Baabuurta biyuhu la tageen waxay labo ka mid ah ahaayeen kuwa xamuulka qaada, halka midka kalana uu ahaa gaari yar oo watay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntand Col. Siciid Nuur Shire, sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Karkaar, Bashiir Nayn oo ka mid ahaa gurmadka.
Isu socodka deegaannada Puntland ayaa xalay ilaa saaka weli u xiran togga Durdur oo ay ku soo rogmadeen daadad badan.
Togga Durdur oo ka yimaada gobolka Sanaag ayaa xilli roobaadka waxaa ku soo rogmada daadad badan, kuwaas oo mararka qaar xaniba isu socodka deegaannada Puntland.
Xilligii la dhisayay laamiga xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso ayaa togga Durdur laga dhigay buundo-jiif, taas oo sababtay dhibka, iyada oo baahi wayn loo qabo buundo la saaro toggaas.
PUNTLAND POST