
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Maxamed Baarri Shire, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, ayaa maanta soo xiray tababarka Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo ka qalin-jebiyay Dugsiga Tababarka Gen. Carays Godad ee magaalada Gaalkacyo.
Munaasabadda qalin-jebinta waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Golaha Wasiirrada, saraakiisha ciidamada kala duwan, maamulka Degmada Gaalkacyo iyo marti sharaf kale.
Ciidamada qalin-jebinayay ayaa munaasabadda ku soo bandhigay aqoonta, xirfadaha iyo tababarradii kala duwanaa ee ay soo qaateen muddadii ay ku jireen dugsiga tababarka, iyagoo muujiyay heerka ay u diyaarsan yihiin gudashada waajibaadka amniga iyo ilaalinta shacabka.
Masuuliyiinta munaasibadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray saraakiisha iyo askarta cusub ee qalin-jebisay, iyagoo ku boorriyey inay si daacadnimo, anshax iyo waddaniyad leh ugu adeegaan bulshada iyo dalka.
Qalin-jebinta Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliiska Puntland ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dawladda Puntland ay ku xoojinayso tayada, aqoonta iyo awoodda ciidanka booliiska, si loo sii adkeeyo nabadgelyada iyo kala dambaynta sharciga deegaannada Puntland.







PUNTLAND POST