
Ilaa saddex arday ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray ciidamada booliska ee sugayay amniga imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland iyo qaar ka mid ah ardayda degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.
Dhaawacyada ardayda oo rasaas sababtay ayaa la geeyay isbitaalka degmada Buurtinle, waxaana la soo sheegayaa in mid ka mid ah xaaladiisu culus tahay.
Dhacdadan dhaawaca sababtay waxay ka dhacday xarunta dugsiga sare ee Buurtinle, iyada oo aysan jirin ilaa iyo hadda cid ka hadashay.
Deegaannada Puntland waxaa maalintii saddexaad ka socda imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2025-2026, kaas oo ay u fariisteen 25,221 arday.
PUNTLAND POST