Puntland oo farriin u dirtay mucaaradkeeda xiriirka la leh Villa Somalia

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee xiriirka la leh dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay in aan loo adeegsan faragelinta deegaanadooda.

Madaxweyne Lugatoor ayaa yiri “siyaasiyiinta reer Puntland ee Xasan la qaraaban jirtay waxaan leenahay Xasan xilligiisii dhammaaye, ayaan Puntland la idiin soo dirin”.

Hadalka Lugatoor wuxuu yimid, xilli maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Boosaaso soo gaareen siyaasiyiin ka yimid Muqdisho oo halkaas ka wada abaabul ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Siciid Deni.

Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa ku sugan ciidamo ka amarqaata siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland, kuwaas oo qaarkood xilal ka hayaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST